780 Views

Dhaqaale loo ururiyay dadkii Dowlad Deegaanka Soomaalida uu tacaddiyo u geystay

Dhaqaale loo ururiyay dadkii Dowlad Deegaanka Soomaalida uu tacaddiyo u geystay
____________________________________________________________________________

Sabti: July 10- 2021

Dhibanayaasha la sheegay inay ku waxyeloobeen tacaddiyadii ka dhacay Dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa waxaa loo uruuriyay 1.7 milyan oo doolar.

Munaasabad ay ka soo qaybgaleen madaxda dowlad deegaanka qayb ka mid ah, ururka Onlf iyo ganacsatada oo ka dhacday xarunta deegaanka ayaa lacagtaasi lagu aruuriyay.

Dhaqaalahaasina badi waxaa ku deeqay maamulka deegaanka Soomalida.

Maxamed Daahir Colhaye oo ka mid ah guddiga soo qaban qaabiyay sanduuqa dhaqaale ururinta ee Aflax, ayaa arrintaasi uga wraramay weriye Ismaaciil Ibraahim Buurgaabo.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar oo ka hadlayay munaasabad dhaqaale loogu uruurinayo dhibbanayaasha ay waxyeellada ka soo gaartay tacaddiyadii deegaanka oo xalay ka dhacday magaalada Jigjiga, ayaa wuxuu faahfaahin ka bixyay ahmiyadda ay umadda u leedahay xuska iyo ka hadalka gabood falladii shacabka loo geestay, isagoo maamulkiisana uu sanduuqa dhaqaale ururinta ugu deeqay 50 milyan oo birta Itoobiya ah, oo ka mid ah 75-ta milyan ee dhibbaanyaasha loogu deeqay.

Madaxweyne Musafe ayaa sidoo kale mar uu la hadlayay axsaabta mucaaradka wuxuu ugu baaqay siyaasiyiinta deegaanka in ay soo afjaraan tubtii loo mari jiray hanashada hoggaanka maamulka degaanka oo uu ku sheegay in uu ahaa mid kor un laga soo dhaadhiciyo

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post