879 Views

Kenya oo karaantiil gelisay Macalimiin ay ka qaaday Magaalada Garoowe.

Kenya oo karaantiil gelisay Macalimiin ay ka qaaday Magaalada Garoowe.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 30 2020–Koox macalimiin Kenyan ah oo wax ka dhigeysay Magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland kuna xayirmay halkaa ayaa loo qaaday Magaalada Nairobi ee caasimadda dalkaas.

Barayaasha waxa ay kor u dhaafayaan 50-macalin, waxaana ay wax ka dhigayaan goobo waxbarasho, muddo ku dhaw siddeed bilood ayay ku sugnaayeen Magaalada Garoowe oo ay ku xannibmeen.

Nairobi News oo xogtaan baahiyay ayaa sheegay in duullimaad gaar ah lagu qaaday macalimiintaan Habeenkii Khamiista 8:30pm, lagana dajiyay Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta Internation Airport.

Howshaan waxaa qayb ka qaatay Danjiraha Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo, kadib markii lagu wareejiyay xogta macalimiintaan oo dhameystiran, isaga oo sahlay in lagu qaado diyaaradda Daallo.

“Waxa aan joognay saddex xarumo kala duwan oo ku yaalla daafaha Magaalada Garoowe, hal jeer ayaan wax cuni jirtay, nasiib wanaag waxa aan ku laabanay gurigeena” ayuu yiri Mwangi Chege oo kamid ah Macalimiinta dib loogu celiyay Kenya balse ku karaantiilan Xarunta Caafimaadka ee loosoo gaabiyo KMTC.

Barayaasha waxaa walwal geliyay xaaladaha xannuunka Coronavirus ee Soomaaliya oo si maalinle ah loogu dhawaaqayay Natiijada Baarista dadka looga shakiyo in ay qaadeen fayruska cudurka xalista ah.

Diiwaanka socdaalka macalimiintaan oo loo dusiyay Nairobi News waxaa ku cad in diyaaradda ay raaceen 120-ruux, kaliya waxaa laga xusay 50-ka Macalin, balse 70-ka kale lama sheegin meesha laga qaaday, waxa ay hayeen iyo waqtiga ay dalka soo galeen.

Barayaasha karaankiilka ku ah Xarunta loo qorsheeyay dadka laga helo Covid-19 iyo kuwa dib loogu celiyo Kenya ee sugaya natiijada Baarista iyo tan xili huuriska cudurka uu qofka kaga soo baxo.

Diyaaradda ay raaceen ayaa tirsideedu ahaa D3 0300 (HK) oo ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha Daallo oo geysay Magaalada Nairobi Caasimadda dalka Kenya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment