1113 Views

Rooble oo goor dhawayd magacaabay guddi ka shaqeeya aaska Qaran loo sameynayo Allaha u naxariistee Marxuum Cali Mahdi dawo Muqalkan

Rooble oo goor dhawayd  magacaabay guddi ka shaqeeya aaska Qaran loo sameynayo Allaha u naxariistee Marxuum Cali Mahdi dawo Muqalkan
____________________________________________________________________________

Muqdisho /Qol/  March 10, 2021

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya aaska Qaran ee loo sameynayo Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo galabta ku geeriyooday dalka Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabay guddigan oo ka kooban Xukuumadda , Xildhibaanno, qeybaha bulshada iyo qoyska marxuumka, waxayna kala yihiin;

1. Xasan Xundubeey Jimcaale, Guddoomiye
2. Cismaan Abokar Dubbe, Guddoomiye ku-xigeen
3. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Xubin
4. Janaraal Mukhtaar Xuseen Afrax, Xubin
5. Xasan Xuseen Xaaji, Xubin
6. Eng. Cabdullaahi Abuuakar Xaaji (Carab), Xubin
7. Durraan Axmed Faarax, Xubin
8. Cumar Cali Rooble, Xubin
9. Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur, Xubin
10. Xil. Maxamed Axmed Abtitoon, Xubin
11. Cabdulqaadir Xaaji Xasan (Gureey), Xubin
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray guddigan in ay si degdeg ah u guda galaan aaska Madaxweynihii hore Cali Mahd

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post