807 Views

Kulan ay lahaayeen Baarlamaanka Puntland oo lagu kala tegay

Kulan ay lahaayeen Baarlamaanka Puntland oo lagu kala tegay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 30, 2020 –adhiga 19-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Puntland oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo ay wehlinayeen, ku xigeenka 1aad  Cabdi Casiis Cabdullaahi Cusmaan iyo ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa lagu qabtay Magaalada Garoowe.

Fadhiga oo Ajandaha ahaa la Xisaabtanka Golaha Xukumadda ayaa waxaa hor-tegay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha Iyo Iskaashiga Puntland  Cabdiqafaar Cilmi Xaange., hayeeshee kulanka lagu kala tegay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa Xildhibaano ka codsadeen in uu saxaafadda bannaanka uga saaro, iyaga oo sheegey in doonayeen in ay u gudbiyeen cabasho ay ka qabeen hoggaanka Golaha, hase Guddoomiyaha ayaa ka diiday, waxaana markii danbe booq ka dhashay arrintaasi ay sababtay lagu kala dareero fadhiga Golaha ee Maanta.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada  Puntland  Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ka sheegay Goobta in uu hakiyey fadhiga sida ku cad Qodobka 8-aad farqada 6-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada ka dib markii sida uu sheegay ay is-hortaag ku sameeyeen 5 Mudane habsami u socodkii Shaqada Golaha.

Waxyaabaha ugu daran ee dhaliyay khilaafka sababay in lagu kala tago kulankii Maanta ee Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in uu  daba socdo Hashiiska Puntland ay kula jirto Shirkada DP world.

Maalin ka hor ayaa Baarlamaanka Puntland Cod gacan taag ah ku an sixiyeen in xuukamadda looga dambeeyo Arrimaha DP World oo Xildhibaannada qaar ay sheegeen in aysan waxba ka qaban dekadda Magaalada Boosaaso.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post