480 Views

Amina Mohamed oo ku boorrisay dhinacyada Itoobiya inay gaaraan xal Nabadeed

____________________________________________________________________________

Sabti: February 12, 2022

Ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Aamina Maxamed ayaa Jimcihii ku boorrisay dhinacyada ku dagaallamaya Ethiopia inay joojiyaan dagaalka, isla markaana ay dib u soo nooleeyaan kalsoonida iyo inay bilaabaan dib u heshiisiin, iyadoo colaadda waqooyiga itoobiya ay weli sii socoto, taas oo sida ay sheegtay laga cabsi qabo inay dhibaato aan la qiyaasi karin u gaysato dadka rayidka ah.

Sdidoo kale Markii ay ka soo laabatay Itoobiya, waxa ay sheegtay in ay dareen ka heshay dhammaan madaxdii ay kula kulantay waqooyiga iyo Addis Ababa in hadda uu jiro dadaal dheeraad ah oo lagu raadinayo nabadda.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post