1092 Views

Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Maanta Kulan Yeelanaya

Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Maanta Kulan Yeelanaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 22, 2019–Waxaa Maanta oo Arbaco ah lagu wadaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ay yeelanayan Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 22-ka Bisha May 2019, ayaa Ajendihiisu waxa uu yahay aqrinta koowaad ee wax ka bedelka sharciga Iibka Qaranka (Procurement).

Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa hadda ka socda diyaar garow ku aadan sidii uu kulanka u furmi lahaa,waxaana kasoo qeyb galaya inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya,kuwaasi oo xalay lagu wargeliyay inuu jiro kulanka Maanta.

 

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa isniintii la soo dhaafay kulankii ay yeesheen waxaa ay ku ansixiyeen sharciga badelka Batroolka dalka,waxaana ogolaatay in la ansixiyo 150 Mudane,halka ay diiday 4 Xildhibaan oo kaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment