747 Views

Ergayga gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ergayga gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Isniin: June 6, 2022

Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaliya, Ambassador FEI Shengchao.

Ergeyga iyo Safiirka, ayaa ka wada hadlay, sida dowladda China qeyb kaga qaadan lahayd gurmadka ay sida degdegga ah ugu baahan yihiin malaayiinta Soomaaliyeed ee abaaraha daran aafeeyeen iyo ka wada-shaqeynta sidii looga hor tagi lahaa in xaaladdu isku baddeshu macluul.

Danjire FEI Shengchao, ayaa Ergeyga u ballan qaaday wada shaqeyn buuxda iyo in dowladdiisu u istaagi doonto, dardar galinta wax ka qabashada abaaraha, si loo samatabixiyo, dadka gargaarka u baahan ee abaaruhu waxyeelleeyeen.

Ugu danbeyn, Ergayga ayaa ka mahad celiyay xiriirka qaddiimiga ah ee ka dheexa labada waddan, kaasoo ah midka ugu waqtiga dheer ee dal ku yaalla Afrikada Bari la leeyahay Shiinaha

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post