1200 Views

Dagaalkii ka socday Isgooska Banaadir oo ku dhaawacmay taliyihii Ciidanka Haramcad Cabdixamiid Fanax.

Dagaalkii ka socday Isgooska Banaadir oo ku dhaawacmay  taliyihii Ciidanka Haramcad Cabdixamiid Fanax.
____________________________________________________________________________


khamiis: September 16, 2021

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal  u dhaxeeyay ciidamo Milatari ah iyo kuwa katirsan booliiska oo ay kala taageerayaan Taliye ku-xigeenka Booliiska Kaniif iyo Taliye Liibaan Madaxweyne oo saakay ka dhacay agagaarka Isgooska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Dagaalkan ayaa bilaawday kadib markii  dhulka kuyaalo saakay weerar ku qaadeen ciidamo katirsan booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, waxaana ciidankan dagaal kala hortagay ciidamo milatari ah oo halkaasi joogay.

Dagaal daqiiqado socday ayaana ka dhacay agagaarka Isgooska Banaadir, waxaana dagaalka markii dambe qaboobay markii ciidamada booliiska  dib uga gurteen halka lagu dagaalamay, inkastoo mararka qaar xabado goos goos ah la maqlayo aagaasi.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dagaalka ku dhaawacmeen saraakiil katirsan ciidanka booliiska uu ku jiro taliyihii Ciidanka Haramcad Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax , waxaa sidoo kale dagaalka khasaaro kasoo gaaray dad shacab ah.

Dagaalkan ayaana salka ku haya dhul kuyaala agaarka isgooska Banaadir oo mudooyinkii dambe la isku heestay, dhulkan ayaana la sheegay in xalay dhismo lagu bilaabay iyada oo ilaalo ka hayaan ciidamo milatari ah waxaana saakay weerar ku qaaday ciidamo booliis ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post