519 Views

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo diinta Oo Qaabilay Xubno Ka Socday Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo diinta   Oo Qaabilay Xubno Ka Socday Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda
____________________________________________________________________________

Sabti: AUGUST 27, 2022

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arr. Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo uu wehliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Saalax Shariif Sayid Cali ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka socday Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda.

Wasiirka iyo Xubnaha kasocday Guddiga Shaqaalaha Qaranka Rayidka Dowladda ayaa kawada hadlay hannaanka shaqada ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda iyo sida loo horumarin lahaa awoodda iyo Cududda Shaqo ee ay Hay’sato Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Wasiirka ayaa dul istigaay muhiimadda ay u leedahay sare uqaadidda Aqoonta iyo Xirfada Shaqaalaha Wasaaradda.

Xubnaha ka socday Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda ayaa Wasiirka la wadaagay warbixin la xiriirta hannaanka Shaqada iyo Shaqo galka guud ahaan Shaqaalaha Rayidka Dowladda, iyagoo Wasiirka Gudoonsiiyay Sharciga lagu maamulo Shaqaalaha Rayidka Dowladda ee Lr.11 ee soo baxay Disember 2006.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post