639 Views

Ukraine oo gacan ku seyrtey qaab heshiis oo uu soo jeediyey Ruushka

Ukraine oo gacan ku seyrtey qaab heshiis oo uu soo jeediyey Ruushka
____________________________________________________________________________

Arbaco: March 16, 2022

Lataliyaha Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in soo jeedinta Ruushka ee ah in Ukraine ay qaadato hanaanka siyaasadeed ee dalalka dhex dhexaadka, sida dalka Austria, ay tahay mid aan la aqbali Karin.

Mykhailo Podoliak, oo ah xubin kamid ah kooxda wada xaajoodka ee Ukraine, ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah, heshiis kasta oo nabadeed inuu ahaanayo sida Ukraine dooneyso, kaasoo ilaalinaya madax banaanida.

“Waan faham sanahay isku dayga asxaabteena ee ah iney sii wadaan firfircoonidooda geesi socodka gorgortanka wada hadalka,” ayuu yiri Podoliak.

Wuxuu intaa raaciyey in haatan aan laga wada hadli karin soo jeedinada ku saabsan hannaanka dalalka Sweden iyo Austria, ee dhexdhexaadnimada, maadaama Ukraine ay haatan kula jirto dagaal toos ah dalka Ruushka.

Xubinta kamid ah kooxda wada xaajoodka, ayaa intaa raaciyey in Ukraine nidaamka ay aqbali karto ay tahay mid amni ahaan loo balan qaadayo nabad gelyadooda si buuxda, iyadoo aaney miiska saarneyn wax kale.

Subaxnimadii hore ee saaka, afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov, ayaa sheegay in Ruushku soo dhoweynayo heshiis nabadeed oo lala galo Ukraine, kaasoo uu dalkani ciidankiisa iyo kuwa baddaba uu noqonayo mid dhex dhexaad ah oo xakameysan, iyadoo la raacayo qaabka dalalka Sweden iyo Austria.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post