735 Views

Ra’iisalwasaare lagu dakhray caasimadda dalkiisa

Ra’iisalwasaare lagu dakhray caasimadda dalkiisa
____________________________________________________________________________

Sabti: August 7, 2021

Ra’iisalwasaaraha dal yar oo ku yaal Kariibiyaanka ayaa isbitaal la dhigay kaddib markii lagu dakhray dibadbax looga soo horjeeday tallaalka cudurka Covid-19.

Ra’iisalwasaaraha dalka St Vincent and Grenadines, Ralph Gonsalves, ayaa shiid madaxa lagaga dhuftay xilli uu dhex marayay dad ku dibadbaxayay bannaanka dhismaha baarlamaanka dalkaasi.

Sawirro laga soo qaaday goobtaasi ayaa muujinayay Ralph Gonsalves oo dhiig uu ka qubanayo, waxaana markiiba loola cararay isbitaal.

Wasiirka maaliyadda dalkaasi ayaa sheegay in ra’iisalwasaaraha markii dambe loo qaaday jasiirada Barbados, si raajo madaxa looga saaro kaddib markii sidaa ay ku taliyeen hawlwadeennada caafimaadka.

Dibadbaxayaasha ayaa ka careysnaa qorshe la doonayo in inta badan shaqaalaha caafimaadka ee safka hore ugu jira la dagaalanka faafitaanka cudurka Covid-19 laga tallaalo cudurkaasi.

Xafiiska ra’iisalwasaaraha ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in ra’iisalwasaaruha lagu dhuftay wax la soo tuuray, waxaana warbaahinta gudaha ay sheegeen in dhagax la soo tuuray uu ku dhacay.

Dalkaasi St Vincent and Grenadines yar ee ku yaal koonfurta Kariibiyaanka ayaa waxa uu ka kooban yahay in ka badan 32 jasiiradood.

Tan iyo billowgii cudurka Covid-19, waddankaasi ayaa laga diiwaangeliyay 2,298 oo xaaladood iyo 12 dhimasho ah, sida laga soo xigtay Jaamacadda Johns Hopkins. Ku dhawaad 9% ka mid ah dadka dalkaasi ayaa sida ay jaamacaddaasi sheegtay laga tallaalay cudurkaasi.

Cudurka Covid-19 ayaa si weyn u saameeyay dalxiiska oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn dalkaasi jasiiradaha ka kooban.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post