981 Views

Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Xarunta labaad ee Hay’adda Socaalka

Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Xarunta labaad ee Hay’adda Socaalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Axad , Feberaayo 23, 2020 —Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xariga kajaray xarunta labaad (2-aad) ee hey’ada socdaalka iyo Jinsiyadaha dowlada Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya oo laga hirgaliyay degmada Cabdicasiis.

 

Xaruntan cusub ee la daahfuray ayaa ah mid loogu adeegi doono bulshada Caasimadda ku dhaaan gaar ahaan e 8-Degmo oo katirsan gobolka Banaadir kuwaas oo kala ah Cabdicasiis, Kaaraan, Yaaaqshid, Shibis, Boondheere, Hiliwaa,Shangaani iyo Xamar Weyne.

 

 

 

Duqa Muqdisho ayaa uga mahad celiyey Madaxda hey’ada socdaalka iyo Jinsiyadaha dadaalka ay geliyaan sida loo hirgelin lahaa Xaruntaas oo baahi weyn u qabeen Bulshada Shanta degmo.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment