855 Views

Nigeria oo sheegtay in burcadbadeed Soomaali ah ay ka howlgalaan badeeda

Nigeria oo sheegtay in burcadbadeed Soomaali ah ay ka howlgalaan badeeda
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 13 |  2020—Agaasimaha guud ee Wakaaladda Maamulka iyo Badbaadada Badda ee Nigeria, Dr Bashir Jamoh, ayaa sheegay in burcad badeedda Soomaalida ay hadda ka howlgalaan biyaha xuduudaha Nigeria iyo gacanka Guinea.

Hadalkaan ayuu sheegay ka dib markii u kulan la qaatay Qunsulka Guud ee Safaaradda Kuuriya, Kang Haenggu, iyo Danjiraha Loo Magacaabay Biljimka, Daniel Bertrand sidda lagu sheegay bayaan kasoo baxay.

Bayaanka oo cinwaan looga dhigay “Amniga Badaha” ayaa dalalka  Kuuriya, Beljim waxay ballanqaadeen taageero dheeri ah oo ku saabsan la dagaalanka waxa loogu yeero burcad badeeda oo dowladda Nigeria ay aad uga cabsi qabto.

“Waxaan ogaanay isku xirnaanshaha dambiyada ka dhaca biyaheenna iyo howlaha burcad-badeedda Soomaalida in ay yihiin kuwo isku xiran” ayuu yiri Agaasimaha.

“Waxay leeyihiin waddo ay uga soo gudbaan xeebta Soomaaliya una maraan Nigeria, iyaga oo maraya biyaha dalalka deriska nala ah ee Galbeedka Afrika.”ayuu hadalkiisa kusii daray

Waxaa uu sidoo kale sheegay in mararka qaarkood ay galaan xudduudaha dhulka waxayna u xilsaaraan doomo si ay howlahooda u gutaan.

Ugu dambeyntii Agaasimaha wuxuu sheegay in Nigeria ay soo saartay qorshe howleed ay kula socoto horumarka istiraatiijiyadeeda qaran ee amniga badaha, isagoo yiri, “Hadafkeenu waa inaan gaarno si waara loo soo afjaro weerarada dambiyada ee ka dhaca baddeena ee burcadbadeeda Soomaalida.”


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post