660 Views

Madaxweynaha Hirshabeelle oo baaq u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya Beleddweyne.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo   baaq u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya Beleddweyne.
____________________________________________________________________________

Talaado:September 7, 2021

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlada Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uu  baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanka kabxanlay ee waqooyiga Magaalada Beleddweyne.

Madaxweynaha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in xilligan uu daato dhiig dad walaalo ah waxa uuna dhinacyada dirirta u dhaxeyso ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan dagaalka ku joojiyaan, islamarkaana wax walba ku xaliyaan wadahadal.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Maamulka Gobolka, Hay’addaha Amniga, Nabadoonada, Waxgaradka iyo Culuma’udiinta Gobolka Hiiraan in si deg deg ah ay ugu baxaan joojinta colaada beelaha walaalaha ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post