2334 Views

Wasiir Bayle Oo ka hadlay Mideynta Canshuuraha dalka

Wasiir Bayle Oo ka hadlay Mideynta Canshuuraha dalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 29, 2018 – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Wasaaraddiisa ay dadaal badan ku bixinayso sidii loo mideyn lahaa Canshuuraha dalka.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in si siman loo billaabayo canshuurta dalka oo dhan si aanay u imaan khilaafaadkii hore oo kale ee ay Ganacsatada ku doodeen in kaliya Muqdisho laga qaadayo canshuurta iibka.

Waxaa uu sheegay in Marka laga reebo Somaliland inta kale ay waddaan kulamo ballaaran oo ku aadan Mideynta Canshuuraha dalka.

Wasiiradda maamul goboleedyadda ayuu sheegay in yeeshaan kulamo joogto ah oo ku aadan sidii loo mideyn lahaa Canshuuraha dalka, maadaama hadda dowladda ay canshuur ka qaado Magaalada Muqdisho oo kaliya.

Shir ay Bishii March ku yeesheen magaalada Muqdisho Wasiirada Maaliyadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa  looga hadlay dar-dargelinta arrimaha hanaanka qaadista canshuuraha Dalka iyo sidii loo midayn lahaa.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment