237 Views

Yuusuf Axmed Hagar Dabageed “ Geeri ayaa ka xignaa inaan yeelno damaca argagixisada oo aan iska fadhiisano Hiireaan

Yuusuf Axmed Hagar  Dabageed “  Geeri ayaa ka xignaa inaan yeelno damaca argagixisada oo aan iska fadhiisano Hiireaan
____________________________________________________________________________

Axad: OCTOBER 2, 2022

Madaxweyne ku-xigeenka maaamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ka hadlay howlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al-shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay si adag ula dagaalameen Al-shabaab lagana adkaaday dhagartooda.

Wuxuu Dabageed ka hadlay howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada kula wareegeen deegaanada ay gobolka Hiiraan kaga sugnaayeen nabad-diidka, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay geeri ka xigaan in la yeelo damaca gurracan ee argagixisada.

“Geeri ayaa ka xignaa inaan yeelno argagixisada Damaceeda, Inaan dhimano annaggoo Sharaf leh oo deegaankeenna difaaceyna waa ku talo galnay” ayuu yiri Dabageed.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa bogaadiyay soona dhoweeyay howlgalkii ay Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay kula wareegeen deegaanada cusub ee gobolka Hiiraan ka tirsan, wuxuuna balan qaaday in ay hiil iyo hooba la garan taagan yihiin ciidamada iyo shacabka iskaashanaya.

Beegsiga lagu hayo argagixisada iyo go’doonka la geliyey ayaa sababtay inay Kordhaan tirada maleeshiyada Al-shabaab kasoo goosaneysa ee isku soo dhiibeysa Ciidanka Xoogga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post