1209 Views

Heesaaga caanka oo u dhashay Maraykanka Kanye West oo magaciisa Badalay .

Heesaaga caanka oo  u dhashay Maraykanka Kanye West  oo  magaciisa Badalay .
____________________________________________________________________________

.

Khamiis: August 26, 2021

Heesaaga caanka ee u dhashay Maraykanka Kanye West, ayaa si rasmi ah u saxeexay waraaqaha uu magaciisa ugu beddelayo Ye.

Tallaabadan ayaa timid saddex sano ka dib markii xiddiggan heesaaga ah uu ku qoray boggiisa twitter -ka inuu wax ka beddelayo magaciisa, kaddib markii uu sii daayay album lagu magacaabo Ye.

44 jirkan muusikiistaha ah ayaa horay u sheegay in magaca cusub ee isaga loogu talagalay uu macno weyn ugu fadhiyo diinta uu aaminsanyahay.

”Waxaan rumeysanahay ‘ye’ waa magac guud oo loo adeegsado Kitaabka diinta masiixiga , Kitaabkana waxaa loola jeedaa ‘Adiga’ Ayuu yiri.

”Sidaa darteed waxaan ahay adiga, waxaan ahay annaga, waa annaga. Waxay ku bilaabatay Kanye, taas oo macnaheedu yahay kaliya inuu noqdo kan muujiya wanaaggeenna, foolxumadeenna, wareerkeenna, wax walba.”

‘Xiddiga ayaa la filayaa inuu soo saaro album kale, oo loogu magac daray hooyadiis Donda, inkasta oo sii deynta albumka dib loo dhigay dhowr jeer.

Kanye West waa aabbe guul ka gaaray xayeysiinta dharka. Waxaa sidoo kale lagu karanayaa fikradihiisa adag ee uusan la gaban, qaarkoodna ayba muran dhaliyeen.

Xilli hore, wuxuu madaxweynihii hore ee Mareykanka George W Bush ku eedeeyay cunsurinimo xilli uu barnaamij TV oo toos ah uu ka qeybgalayay. Wuxuu sidoo kale sheegay in madaxweynaha hadda uu leeyahay “tamarta mas-duulaaga”. Dhowaan ayuu ku dhawaaqay inuu u tartamayo xilka madaxweynaha, mana ahan markii ugu horreysay oo arrintaas shaaciyo

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post