1032 Views

Dibadbaxyada dalka Sudan oo mar kale soo laba kacleeyey

Dibadbaxyada dalka Sudan oo mar kale soo laba kacleeyey
____________________________________________________________________________


Isniin: December 20, 2021

 
Boqolaal kun oo shacab ah ayaa is qabsaday waddooyinka caasimadda Sudan ee Khartoum, kuwaas oo xusaya sannad guuradii 3-aad ee ka soo wareegtay dibadbaxyadii xilka looga tuuray madaxweyne Omar al-Bashir, iyagoo sidoo kale ka soo horjeeda militariga dalkaas.

Shacab fara badan ayaa isu soo xoomay irridda madaxtooyada dalkaas, halkaas oo uu deggan yahay General Abdel Fattah al-Burhan oo hoggaaminayey afgambigii ciidamada ee bishii October.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaska dadka ka ilmaysiiya u adeegsaday shacabka oo magaalooyin kala duwan dibadbaxyada ka dhigayey.

Bishii hore, Ra’iisal wasaare Abdalla Hamdok ayaa dib xukunka loogu soo celiyey ka dib afgambigii October.

Dad badan oo reer Sudan ah ayaan ku qanacsanayn in Mr Hamdok uu heshiis la galo militariga oo haatan ku baaqaya in la sameeyo hoggaan gebi ahaantiisuba rayid ah.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post