3627 Views

Hooyada Gudoomiyihii Xamar weyne Oo Sharci Daro Ku tilmamtay Xariga Wiilkeeda

Hooyada Gudoomiyihii Xamar weyne  Oo Sharci Daro Ku tilmamtay Xariga Wiilkeeda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 08, 2018Hooyada dhashay guddoomiyaha degmada Xamar Weyne Cumar Shariif Jeeg oo dhawaan shaqo joojin lagu sameeyay ayaa sheegtay in wiilkeeda la shirqoolay.

 

Waxa ay shaqo joojinta iyo xerista wiilkeeda ku eedeysay Xisaabiyaha guud ee dowladda.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayay ugu baaqday inuu soo fara geliyo arrintaan kana shaqeeyo sidii wiilkeeda loo soo deyn lahaa maadaama sida ay sheegtay uu ku xiran yahay cadaalad daro.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in wiilkeeda Cumar Shariif Jeeg inuu yahay mid aan runta ka gaban, sidoo kalena uu diiday inuu saxiixo warqado uu usoo diray Xisaabiyaha guud ee dowladda.

5-ta bishaan September ayaa shaqo joojin iyo xiris lagu sameeyay guddoomiyaha degmada Xamar weyne Cumar Shariif Jeeg ka dib warqad ka soo baxday xafiiska Xuseen Maxamed Nuur oo xilligaas ahaa kusimaha guddoomiyaha gobolka banaadir.

 

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment