1047 Views

Booliiska dalka Nayjeeriya oo xirey qof naftiisa beeciyey

Booliiska dalka Nayjeeriya oo  xirey qof naftiisa beeciyey
____________________________________________________________________________

Khamiis: October 28, 2021

Ninkan lagu magacaabo Caliyu Na Idiris, oo 26 sano jir ah, kaasoo u dhashey dalka Nayjeeriya, ayaa ku shaaciyey Baraha Bulshada inuu yahay beec toddobaadkii tagay daba yaaqadiisa.

Booliiska dalka Nayjeeriya, ayaa xirey qof naftiisa beeciyey, iyadoo arrintani ay ka dhacdey gobolka Kanu, ee ka dhaca dhanka waqooyi ee dalkani.

Caliyu Na Idiris, ayaa ku dhex wareegayey magaalada, isagoo wata boor uu isku beecinayo, lacag gaareysa US $25,000.

Harqaan lahan ayaa sheegay iney heysato xaalad xun oo dhaqaale, isagoo markaa tilmaamey inaanu laheyn ikhtiyaar aan aheyn inuu naftiisa iibiyo.

Wuxuu carabka ku dhuftey iney jiraan dad usoo gudbiyey qiimo gaaraya US $20,000, balse uu iska diiday inuu aqbalo lacagtaas, maadaama ay yar tahay, waa sida uu sheegaye.

Booliiska ku dhaqma diinta Islaamka ee gobolka Kanu, ayaa sheegay iney tahay sharci darro in qof naftiisa beeciyo.

Booliiska ayaa markii danbe xirey ninkani, kadib ku dhawaaqistiisa inuu beec yahay.

Taliyaha ciidanka ku shaqeeya nidaamka Islaamiga, Sheekh Harun Ibnu Sina, ayaa sheegay in Islaamku aanu oggoleyn in qofku is beeciyo, sababtuu doonaba qofka ha cuskadee.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post