765 Views

Tanzania oo sheegtay in aanay soo iibsan doonin tallaalka korona

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 02, 2021–Iyadoo laga cabsi qabo fiditaanka fayraska korona, ayaa wasiirka caafimaadka Tanzania, Dorothy Gwajima, sheegtay in aanay xukuumadda qorshaha ugu jirin in ay soo iibsato talaalka cudurkaas.

Hadalkan wasiirka ayaa soo baxay todobaad uun ka dib markii Madaxweyne John Magufuli uga digay shaqaalaha caafimaadka in ay qaataan tallaalka fayraska korona, isaga oo sheegay walow aan caddayn soo bandhigin in talaalkaasi dhibaato u keeni karo bulshada.

Bishii hore ayaa hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ku tirtirsiday Tanzania in ay ka fiirsato sidii shacabka dalkaas loo talaali lahaa, laakiin madaxweyne John Magufuli ayaa shaki geliyey wax tarka talaalka waxaanu shacabka ku dhiirri geliyey in ay is uumiyaan oo ay Alla baryaan.

Tanzania waxay ka mid yahay dhawr dal oo dunida ka mid ah oo aan shaacinin tirada dadka fayrasku ku dhaco. Shaqaalaha isbitaallada ayaa se sheegay in tirada dadka waadhadhka loo dhigayo fayraska ku dhacay iyo kuwa u dhintayba ay kordhayso.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post