2283 Views

RW Ku Xigeenka Dalka Oo Markab Korkiisa Kula Kulmay Wafdi Ka Socda Midowga Yurub

RW Ku Xigeenka Dalka Oo Markab Korkiisa Kula Kulmay Wafdi Ka Socda Midowga Yurub
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 9, 2018 – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda federaalka Soomaaliya Muddane Mahdi Mohamed Gulleid (Khadar) )ayaa maanta booqday markab ay leeyihiin ciidamada Talyaaniga ee qaybta ka ah howlgalka Atlanta ee  Midowga yurub , kaasi oo ka ilaaliya xeebaha Soomaaliya Burcad-badeeda.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa  halkaasi kula kulmay wafti ka socda Midowga Yurub iyo Taliyaha Guud ee hawlgalka ATLANTA ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya, waxaana kullanka diiradda lagu saarayay xoojinta xiriirka wada shaqeyn iyo iskaashi oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo midowga Yurub, iyo la dagaalanka Burcad badeeda.

Muddane Khadar, ra’iisalwasaare ku xigeenka dalka ayaa midowga Yurub ku boogaadiyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, isagoona sheegay in midowga Yurub ay ka codsadeen xoojinta iyo dar dargelinta howlaha loogu hortagayo kaluumeyiga sharci darada ah ee ka dhacay biyaha Soomaaliya

”Wefti ka socda midowga Yurub oo uu weheliyo Taliyaha Guud ee hawlgalka ATLANTA  ee la dagaalanka Budhcad-baddeedka; ayaanu shir kuwada yeelanay Markab taagan Biyaha Badweynta Soomaaliya. Markabkaasi oo kamid ah Maraakiibta Budhcadda ka ilaaliya biyaha Caalamiga. Weftigaasi waxaanu kawada hadalay  arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka wada shaqayneed iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo midowga Yurub iyo siddii hawlgalada Burcad-baddeedku si wadajir ah looga gaari lahaa hadafka laga leeyahay oo ah siddii maraakiibta dunidu ugu kala gooshi lahayd warwar la’aan iyo nabad-qab” ayuu yidhi Ra’iisalwasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Mohamed Gulleid.

wr-xigeen-marka-kala-EU-1 wr-xigeen-marka-kala-EU-2 wr-xigeen-marka-kala-EU-3 wr-xigeen-marka-kala-EU-4 wr-xigeen-marka-kala-EU-5 wr-xigeen-marka-kala-EU-6

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment