789 Views

Weerar lagu dilay askar ka tirsan Ciidamada wadanka Maali

Weerar lagu dilay askar ka tirsan Ciidamada wadanka Maali
____________________________________________________________________________

 


Jimco: October 8, 2021

Ugu yaraan 16 askari ayaa lagu dilay 10 kalena waa lagu dhaawacay weerar ay koox jihaadiyiin ah ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla bartamaha Maali.

Saraakiisha Ciidanka Mali ayaa sheegay in ay la dagaalameen koox hubeysan oo iska soo hormariyay Gaari Qarax, kaasi oo ka dhacay gobolka Mopti.

Saraakiisha ayaa weerarka ku eedeeyay kooxaha jihaadiyiinta ee waddankaasi ka dagaalama, waxaana ay sheegeen 15 kamid ah kooxihii weerarka soo qaaday la dilay.

Wadanka Maaliya ayaa daala-dhacaya colaado iyo dhibaatooyin binu-aadanimo iyadoo Qiyaastii laba milyan oo qof ay gudaha dalkaasi ku barakaceen rabshadaha awgood, sida laga soo xigtay tirakoobyada Qaramada Midoobay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post