444 Views

Libaaxyo gacan ka geystay weerar ka dhan ah koox mintidiin ah

Libaaxyo gacan ka geystay weerar ka dhan ah koox mintidiin ah
____________________________________________________________________________

Khamiis: SEPTEMBER 29, 2022

Ciidamada Mozambique ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen afar mujaahid oo ku howlanaa qorista iyo xagjireynta dadka, waxaana ay shaaciyeen dhimashada 16 kale.

Taliyaha booliska Bernardino Rafael ayaa sheegay in qaar ka mid ah mujaahidiinta ay u dhinteen dhaawacyo soo gaaray intii ay socdeen iska horimaadyo ay la galeen ciidanka, halka qaar kalena ay weerareen xayawaanka duurjoogta ah – oo u badan libaaxyo iyo yaxaasyo.

Wuxuu hadalkaasi sheegay Arbacadii mar uu la kulmay dadka deegaanka degmada Quissanga ee waqooyiga gobolka Cabo Delgado.

“Qaar badan oo ka mid ah waxay u dhinteen dhaawacyada ka soo gaaray rasaasteena iyo hubkeena.

Laakiin xitaa xayawaanka ayaa sidoo kale gacan ka geystay dhimashada islaamiyiinta.

Waxa uu sheegay in dadka ay aasayaan qaar ka mid ah mujaahidiinta dhintay iyagoo maamulka gacan ka helaya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post