1749 Views

Shariif Xasan oo lumiyay taageerada Xildhibaanada Koonfur Galbeed

____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 31, 2018 —Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa lumiyay qayb ka mid ah taageeradii ay u hayeen Xildhibaanada maamulkaasi, sida ay inoo xaqiijiyeen Xildhibaanada qaarkood.

Shariif Xasan oo haystay taageerada Xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed qaarkood ayaa ku waayay sabab la xiriirtay inuu amray Xildhibaanada inaysan la kulmi karin Musharaxiinta kale ee Koonfur Galbeed, arrintaasi ay u cuntami wayday Xildhibaanada qaarkood oo ay diideen.

Intii ugu badneynd Xildhibaanadii taageersanaa Shariifka ayaa u kala jabay Musharaxiinta kale ee u taagan Xilka Madaxtinimada Maamulka Koonfur Galbeed, si ay ula shiraan.

Xildhibaano gaaraya 15 Xildhibaan ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, kadib markii ay ka soo ambabaxeen Magaalada Baydhabo, ujeedada ay u yimaadeen Xildhibaanadan Koonfur Galbeed ka tirsan ayaa lagu sheegay inay tahay wadatashi ay la yeelanayaan Xildhibaanada Federalka ee jooga Muqdisho, kana soo jeeda deeganada Koonfur Galbeed, si isbaheysi siyaasadeed loogu qaado Shariifka meeshana looga saaro.

Habeen hore ayey aheyd markii Shariif Xasan Sheekh Aadan uu bedelay dhamaan ciidankii iyo saraakiisha ku sugnayd Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed, wuxuuna gaystay ciidamo cusub.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment