933 Views

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeeyte oo gaaray deegaanka Balada Nuur

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeeyte oo gaaray deegaanka  Balada Nuur
____________________________________________________________________________

May 5-2021

Wararka ka imaanaya magalada B/weyne ayaa sheegaya in goor dhawayd uu Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeeyte Cismaan Saraakiisha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya gaar ahaan Guutada 5aad ay Gaareen  deegaanka  Balada Nuur oo saakay uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyo Laba Maleeshiyo Beellod.

Dagaalkan oo ahaa mid aad u culus la iskuna adeegsaday hubka Nuucyadiisa kala duwan, ayaa waxaa la sheegay in uu ka bilaawday dhul la isku heesto.

Sidoo kale dagaalkan ayaa  sababay Dhimasho iyo dhawac oo u dhaxeeyey labo Maleeshiyo Beelled, waxaana ay Masuuliyeentan ay deegaankaasi u tageen sidii loo joojin lahaa Xiisadaha Dagaal ee ka jirtay deegaanka Balada Nuur.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post