621 Views

Booliska dalka Liberia oo xabsiga u taxaabay nin u dhashay Sierra Leone kadib in uu isku dayay in uu iibiyo wiil uu dhalay oo 10 jir ahaa.

Booliska dalka Liberia oo  xabsiga u taxaabay nin u dhashay Sierra Leone kadib  in uu isku dayay in uu iibiyo wiil uu dhalay oo 10 jir ahaa.
____________________________________________________________________________


Sabti: January 8, 2022

Booliska dalka Liberia ayaa xabsiga u taxaabay nin u dhashay Sierra Leone, waxaana lagu soo oogay dacwad ah in uu isku dayay in uu iibiyo wiil uu dhalay oo 10 jir ahaa.

Sida muuqato, ninka oo isku dayay in uu iibiyo canugiis si uu helo lacag uu ku iibsado mooto kadib markii gurigiisa lagu xaday mooto uu lahaa qof ay saaxibo ahaayeen.

Markii ay qabteen laamaha amniga Liberia , wuxuu u sheegay in uu baahnaa ku dhawaad $1,000 doolar si uu saaxibkii ugu gudo mootada lagu xaday gurigiisa.

Ninkan wuxuu aaday Liberia si uu isugu dayo in wiilkiisa uu kuso iibiyo Liberia.

Waxaana bishii December uu ninkan heshiis la galay kooxo si uu uga iibiyo wiilkiisa, si aan loo fahmin waxay ku heshiiyeen sida iyaga oo kala iibsanayo digaag balse aysan kala iibsaneyn qof banii’aadan ah.

Booliska ayaa markii dambe ka war helay xaaladda, waxaana la xiray aabihii dhalay wiilka xilli dadkii iibsanayay ay ku wajahnaayeen duleedka magaalada Monrovia si ay ula soo wareegaan wiilka.

Sida laga soo xigtay bogga Online-ka, Global News Network, ee kasoo baxa Liberia ayaa sheegay in wiilka haatan ay gacan ku heyso dowladda.

Ka ganacsiga sharci darrada ah ee carruurta ayaa ah dhibaatada ugu weyn ee ka taagan Galbeedka Afrika.

Carruurta lagu iibiyo qaabka addoonsiga casriga ah looma ogola inay la xiriiraan qoysaskooda, waxaana inta badan laga dhigaa shaqaalaha ka shaqeeya guryaha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post