354 Views

DFS oo QM Warbixin ka siisay Abaarta kajirta dalka

DFS oo QM Warbixin ka siisay Abaarta kajirta dalka
____________________________________________________________________________

Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame, oo uu wehliyo Ku xigeenka Xoghaya guud ee qaramada midoobay Martin Grifiths ayaa si wadajir ah warbixin u siiyay golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Ergeyga oo Isniintii gaaray waddanka Mareykanka ayaa Ney York ka wada kulamo iyo shirar is dabajoog ah oo loogu qareemayo arrimaha Abaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame uu la kulmo madax kala duwan, isaga oo kala hadli doona arrimo ku saabsan sidii Soomaaliya looga caawin lahaa waxka qabashada Abaarta.

Soomaaliya ayaa xilligaan meelo badan oo kamid ah waxaa kajirta abaar daran taas oo saameysay dad iyo Duunyo, waxaana gaabis noqday dadaalka dowladda Soomaaliya,  dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post