1011 Views

Galmudug oo daahfurtay mashruuca dhismaha dekadda Hobyo

Galmudug oo daahfurtay mashruuca dhismaha dekadda Hobyo
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  June 20, 2020–Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay daahfuray mashruuca dhismaha dekadda Hobyo oo dadka reer Galmudug ay sheegeen in ay ku dhisan doonaan si isxilqaan ah.

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay guddoonka iyo xubnaha labada aqal, siyaasiyiin, ganacsato iyo odayaasha dhaqanka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirka dekadaha iyo kaluumeysiga Galmudug Saabir Nuur Shuuriye hadal ka jeediyay munaasibada daahfurka mashruuca dhismaha dekada Hobyo ayaa sheegay in dhawaan la bilaabi doono dhismaha dekadda Hobyo, oo lagu dhisayo isku tashi ayna maalgelin doonaan ganacsatada reer Galmudug ah.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in dhismaha dekedda ay ku bixi doonto Wajiga Koowaad lacag dhan 90 Milyan oo dollar ayna bixin doonaan ganacsatadda reer Galmudug.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiintii ka qeyb galay Munaasabadda ayaa ku dhawaaqay yabooh lacageed oo ay uga qeyb qaadan doonaan dhismaha Dekedda, iyadoo Galmudug sheegtay in laga bilaabo maanta howsho si rasmi ah ay u bilaabatay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post