753 Views

Ururka IGAD oo guddi u diraya Balad Xaawo & Mandheera kadib Xiisada Somaliya iyo kenya

Ururka IGAD oo guddi u diraya Balad Xaawo & Mandheera kadib Xiisada Somaliya iyo kenya
____________________________________________________________________________

Urur Goboleedka IGAD ayaa diyaarinaya Guddi u badan qubaro dhanka Ciidanka ah si ay qiimeyn ugu sameeyaan Xiisadda u dhaxeysa Dowladaha Soomaaliya & Kenya oo qayb kamid ah dacwadda loo gudbiyay ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Kenya ay abaabuleyso Jabhad ay kahor geyso Ciidamada DFS ee jooga Magaalada Balad Xaawo & Deegaannada kale ku dhaw oo saldhigyo ay ku leeyihiin.

Madaxweynayaasha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Kenya Uhuru Kenyatta oo la is hor fadhiisiyay ayaa kawada xaajooday qodobada doodda kordhisay, qaarkood ayay Dowladdu ka gaabsatay in ay soo bandhigto waxa lagu xaliyay.

IGAD ayaa go’aan ku gaartay in ay dirto Guddi ka socda oo tagaya Magaalooyinka Balad Xaawo & Mandheera ee xad beenaadka u dhaxeeya Soomaaliya & Kenya, waxaana dhinac ka saaran Itoobiya.

Fursadda ugu wanaagsan Guddigaan waxaa heysata Dowladda Federaalka Itoobiya oo xiriir xasiloon la leh Soomaaliya & Kenya, isla markaana xad la wadaagto, dadka falanqeeya siyaasadda & Amniga ayaa aaminsan in Xukuumadda Abiy Ahmed Shukaanta u qaban karto Guddigaas.

Ergada IGAD marka ay qiimeyntooda dhammeeyaan waxa ay dib ugu laabanayaan hoggaanka sare ee ururkaas si ay ugu gudbiyaan warbixin la xiriirta waxyaabaha ay soo arkeen & xog wareysiga dadka deegaanka ay ku sameeyeen si go’aan looga soosaaro.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post