798 Views

Hey’adda laanta socdaalka oo saraakiil u furay tababart ku aadan Hubinta Dukumeentiyada lagu Safro Sawiro

Hey’adda  laanta socdaalka oo   saraakiil u furay tababart ku aadan  Hubinta  Dukumeentiyada lagu Safro Sawiro
____________________________________________________________________________

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Hey’adda laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda ee  Soomaaliya ay tababar u furtay Shaqaale ka Tirsan hay’adaasi.

Ku-xigeenka Agaasimaha Guud  ee laanta Socdaalka oo  Saraakiisha Hey’adda Socdaalka ee ka howlgalo Garoonka Aadan Cabdulle u  furay Tababar ku saabsan Baarista Dukumeentiyada Safarka, Xili laanta Socdaalka ay sii balaarinayso Howlaha Shaqo ay Bulshada Soomaaliyeed u hayso.

K/xigeenka Agaasimaha Guud Col, Cusmaan Xasan Cosble oo Tababarkaan furay ayaa ku Booriyay shaqaalaha in ay ka faa,ideestaan Tababarkaan oo sare loogu qaadayaa xirfadda Saraakiisha Hey’adda.

sidoo kale Kulankaan aya waxaa  soo qabanqaabiyay Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee HSJ iyadoo Tababarka bixinayaan Macalimiinta Hey’adda u qaabilsan tababarada.

Hey’adda laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda ee  Soomaaliya ayaa 5 tii Sano ee la soo dhaafay, oo uu agaasime ka ahaa Col: Maxamed aadan Koofi waxay ku talaabsatay talaabooyin Muhiim ah, sida Qiimo uu yeeshp Pasaporka Somaliga ah, xarumo ay Hay’ada ka furato Gobolada Dalka iyo Xuduudaha aan la leenahay Dalalka Kenya Itobiya iyo Jabuuti.

Umada Soomaaliyeed ayaa sanadihii la soo dhaafay waxay amaan u soo Jeedinaysay, Taliye Maxamed aadan koofi iyo shaqaalaha hay’adaasi oo balaarin iyo tayayn ku waday sidii uu Caalami u Noqon lahaa Helista  Pasaprka Somaliga oo dhibaato ay kala kulmi jireen inay Helaan, Kuwaas oo Xamar u soo aadi jiray Balse hada Degaamadooda loogu Geeyay.

W/Q/Cabdixakiin Cilmi Xasan

Email-Cabdixakiin441@hotmail.com

Tel-+254-711830393

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post