1044 Views

Guddoomiye Cusub oo loo Magacaabey degmada Cabdul Casiis

Guddoomiye Cusub oo loo Magacaabey degmada Cabdul Casiis
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 05, 2020—Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa guddoomiye Cusub u Magacaabey degmada Cabdul Casiis ,kaddib markii Guddoomiyihii degmadaas ay ku geeriyootay qarixii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.

 

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Duqa Muqdisho ayaa waxaa Guddoomiyaha degmada Cabdul Casiis loogu Magacaabey Mahdi Faarax Cabdulle kaas oo bedeley Sabaax Cabdullaahi Asad oo kamid aheyd Guddoomiyeyaashii ku geeriyooday 24-kii Bishii July qarixii ka dhex-dhacay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

 

 

 

Qaraxaas ayaa sidoo kale waxaa ku geeriyooday Guddoomiyihii Gobolkan Banaadir Eng, Cabdiraxmaan Yariisow,Guddoomiyeyaashii degmooyinka,Waaberi iyo Cabdul Casiis,kuwaas oo dhawaan Duqa Muqdisho uu Magacaabey guddoomiyeyaal bedelaya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment