2091 Views

Shakigii qabsoomida shirka golaha wasiirada Federaalka Garoowe oo fashilmay

Shakigii qabsoomida shirka golaha wasiirada Federaalka Garoowe oo fashilmay
____________________________________________________________________________

Garoowe | QOL | August 3, 2018 – Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa la isku raacay inuu ka dhaco magaalada Garowe, kaddib wada hadalo dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Puntland oo ku aadan sidii shirka u qabsoomi lahaa.

Shirka ayaa qabsoomidiisa shaki la geliyay, kaddib markii Puntland ay ka carootay tallaabadii Ra’iisul Wasaaraha uga baaqsaday dhagax dhiggii Dekeda Garacad.

Magaalada Garowe ayaa hareysay dooda ku saabsan in shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya aanu ka dhicin, maadaama Ra’iisul Wasaaraha aanu tagin Garacad, waxaana doodaha taagnaa ay ahaayeen kuwo ka imaanayay Siyaasiyiinta iyo xubnaha Maamulka Puntland.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dadaalada lagu xalinayay khilaafka ka dhashaybaaqashadii Ra’iisul Wasaare Kheyre ee dhagax dhigga Dekeda Garacad lagu balamay in shirar kale looga hadlo.

Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah ka dhici doona Hoolka shirarka Wasaaradda Maaliyadda, waxaana shirka ka hor qabsoomi doono kulamo ay yeelanayaan Wasiirada Federaalka iyo kuwa Puntland.

.

.

.

.

Isha Wararka Jowhar.com

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment