909 Views

doorashada baarlamanka iyo goleyaasha deegaanka oo si rasmi ah uga bilaabmay Somaliland

doorashada baarlamanka iyo goleyaasha deegaanka oo si rasmi ah uga bilaabmay Somaliland
____________________________________________________________________________

May 23 2021

Ololaha doorashada baarlamanka iyo goleyaasha deegaanka oo isku sidkan ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabmay guud ahaan Jamhuuriyadda Goonni Isutaaggeeda ku Dhawaaqday ee Somaliland.

Maaddaama oo xisbiyada mid walba maalin gaar ah loo qoondeeyey inuu ololihiisa qabto waxaa maanta billaabay xisbiga mucaaradka ah ee UCID.

Ololahan oo safmarka Korona awgii loo xaddiday muddada uu socon doono oo xisbi waliba labo maalmood oo keliya uu leeyahay maaddaama oo aan waqti badani ka hadhin doorashadii ayaa jawiga uu ku bilaabmay ololaha xisbiga UCID wuxuu ahaa mid sidii loogu tala galay ah.

Doorashada oo lagu wado inay qabsoonto 31-ka bishan aynu ku jirno ee May, ayaa ah markii ugu horreysay ee si isku sidkan loo qabto doorashada baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post