336 Views

Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay Saciid Xuseen Raage oo ka tirsanaa Nabadoonadii la shaqeyn jiray Al-Shabaab ee aagga deegaanka Masaajid Cali-

Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay Saciid Xuseen Raage oo ka tirsanaa Nabadoonadii la shaqeyn jiray Al-Shabaab ee aagga deegaanka Masaajid Cali-
____________________________________________________________________________

Axad:December 18, 2022

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay Saciid Xuseen Raage oo ka tirsanaa Nabadoonadii la shaqeyn jiray Al-Shabaab ee aagga deegaanka Masaajid Cali-Gaduud illaa deegaanka Guulane.

War ka soo baxay Dowladda ayaa lagu sheegay inuu Nabadoonkan isku soo dhiibay ciidamada xooggaiyo kuwa dib u xoreynta deeganka ee ku sugan degaanka Furqaan ee gobolka Sh/Dhexe.

Goobta maanta lagu soo bandhigay isisoo dhiibe Saciid, waxaa goobjoog ahaa Taliyaha Booliska HirShabelle Col. Xasan Dhicis, saraakiil kale iyo Agaasimaha waaxda cansuuraha ee wasaaradda Maaliyadda XFS Muxudiin Xasan Juris.

Degaannada katirsan Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, iyada oo Ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareeeen degaano ay gacanta kuhayeen Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post