1131 Views

Magaalada Mekele oo arday Soomaali ah ay ku godoonsan yihiin

Magaalada Mekele oo  arday Soomaali ah ay ku godoonsan yihiin
____________________________________________________________________________

Khamiis: july 22 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Mekele ayaa sheegaya in arday Soomaali ah ay ku godoonsan yihiin Magaaladaasi, islamarkaana halkaasi ay ku dhibaateysan yihiin.

Ardaydan ayaa waxaa saameyn ku yeeshay dagaalka ka socda gobolka Tigray, kaasi oo u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo Kooxda  TPLF.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ardayda Soomaaliyeed ay la’yihiin goob ay ka baxsadaan colaada, maadaama dhinacyada dagaalamaya marba marka ka dambeysa ay ciidamo isku aruursanayaan.

Saraakiil ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa sheegay in sugayaan amar ah in ay weerar ku qaadaan kooxda TPLF ee ku sugan gobolka Tigray, islamarkaana dagaalka kula jira ciidamada Milatariga Itoobiya.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post