816 Views

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo Masar uga Qeyb galay Shir Looga Hadlayay Waxbarashada

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo Masar uga Qeyb galay Shir Looga Hadlayay Waxbarashada
____________________________________________________________________________


Khamiis: December 9, 2021

Wasiirka Waxbarashadda, Hiddaha Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Abdullahi Abukar Haji iyo wafdi uu hogaaminayo oo xalay gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa maanta ka qeybgalay shirka 14aad ee ururka waxbarashada, Hiddaha & Cilmiga u qaabilsan wadamada Islaamka ee loo-soo gaabiyo (ICESCO), kaasi oo Magaaladda Qaahira ka furay Madaxwaynaha Dalka Masar mudane Cabdifitaax Alsiis.

Wasiirka waxbarashada Eng Cabdullahi Carab ayaa warbixin ka siiyay ururka (ICESCO), horumarada Waxbarashada, Hiddaha, Cilmi baarista dalka, soo kabashada xaaladda Waxbarashada iyo hiigsiga dowladda Soomaaliya ee horumarinta Waxbarashadda iyo Cilmi-baarista.

Wasiirka Waxbarashada iyo wafdigiisa ayaa inta ay joogaan magaalada Qaahira ee dalka Masar waxaa ay la kulmi doona dhigagooda Wasaaradda Waxbarashadda Dalka Masar iyo madax kala duwan oo ka socda Wadamada Islaamka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post