987 Views

Booliska Soomaaliya oo Faahfaahin ka bixiyay Weerarro iyo Qaraxyo ka dhacay Muqdisho.

Booliska Soomaaliya oo Faahfaahin ka bixiyay Weerarro iyo Qaraxyo ka dhacay Muqdisho.
____________________________________________________________________________


Arbaco: February 16, 2022

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Cabdifatax Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Xalay seqdii dhexe xili ay ku beegneeyd lixsaac oo habiinimo Saldhiga degmada kaxda iyo xaafadda Daarusalaam ay xubno ka tirsan Al-shabab ay ku  qaadeen weerar Xoogan, kaa oo sida uu sheegay ay iska difaceen Ciidamada Dowladda.

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed ayaa ugu horeeyntii Sheegay in Degmada kaxda ,xubno ka titsan Al-shabaab ay weer ku qaadeen Saldhiga degmada kaxda, Isagoona shegay in ay Al-Shabaab ku waxyeeleeyen Dad shacab ah oo saldhiga ka agdhawaa iyo Saldhiga Booliska Degmada Kaxda.

“Muhiimadda loo weeraray Degmadaasi waxa ay aheeyd Degmada oo beryahan waday Hormar dhanka is kaashiga ah, Dhismooyinka iyo Wadooyinka oo ay inta badan degmadaasii ku bogaadisay Dadka Hormarka ay waddo, waxaana ka hortagay Ciidamada Dowladda,, ayuu yiri Afhayeenka Booliska oo warbaahinta la hadlayay.

Afhayeenka ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda oo isku gurmaday ay baacsadeen kooxihii soo weeraray Degmada Kaxda.

Dhanka kale Afhayeenka ayaa sheegay in Kooxda Al-Shabaab ay weerareen Degaanka Daarusalaam, halkaasna uu ka dhashay Khasaaraha  ilaa iyo 16 qof oo dhaawac ah dhimashada 2 qof iyo 3 askari oo ay oo gareen Waxyeelo xoogan.

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed ma uusan bixin faahfahin intaasi dheer, Waxaana isasoo tarayo Khasaaraha ka dhashay weerarada ka dhacay Degmada kaxda iyo Degaanka Daarusalaam.

\Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post