339 Views

Hawaneey Qoorsagaro Ku Dishay Haweeneey kale oo lala Qabay Tuullada Miya ee Deegaanka Warji ee gobalka Bauchi ee dalka Nageria

Hawaneey Qoorsagaro Ku Dishay Haweeneey kale oo lala Qabay Tuullada Miya ee Deegaanka Warji ee gobalka Bauchi ee dalka Nageria
____________________________________________________________________________

Axad: January 8, 2023

Inta badan isku dhac iyo colaado salka ku haya maseyr ayaa dhax mara haweenka la isla qabo, waxaana isku dhacyadaasi mararka qaar sababaan in ay dhibaatooyin nafta la isku dhaafiyo ay sababaan.

Deegaan kuyaalla dalka Nageria waxaa ka dhacday dil dad badan ka argagaxeen oo haweeney u geesatay min weyntii lala qabay, waxaana dilkan gudaha dalkaasi uu ka abuuray hadal heyn aad u badan.

Haweeney lagu magacaabo Amina Guguwa, oo ah 50 jir ku nool Tuullada Miya ee Deegaanka Warji ee gobalka Bauchi ee dalka Nageria ayaa dishay haweeney lala qabay oo iyana aheyd 60-jir.

Sarkaalka xiriirka dadweynaha ee booliska gobalka Bauchi ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada booliiska xireen haweeneyda dilka geesatay, waxa uuna sargaalkan sheegay in ay wadaan baaritaanno ku aadan kiiskan.

Waxa uu sheegay sargaalkan in ay isku dhaceen labada xaas ee la isla qabay , waxa uuna xusay in dagaal gacan ka hadal ah oo dhax maray labada haween ku geeriyootay Amina Kolitoyo oo 60 jir ahayd.

“Eedeysanaha, Amina Guguwa waxay xoog u adeegsatay haweeneyda kale, iyadoo si xooggan u ceejisay, ka hor intaysan ku qaban qoor-sagaaro, taasi oo sababtay inay marxuumada isla goobta ku geeriyooto” ayuu yiri Sarkaalka booliiska katirsan.

Dhacdadan dilka ah ee ka dhax dhalatay labada xaas ayaa booliiska Nageria hadda ku wadaan baaris, waxaana saraakiisha booliiska sheegeen in marka baarista dhammaato maxkamad loo gudbin doono haweeneyda dilka geesatay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post