903 Views

Ciidamada Ahlusunna ee jooga Deegaanka Bohol oo maanta mushaar la siiyay.

Ciidamada Ahlusunna ee jooga Deegaanka Bohol oo maanta mushaar la siiyay.
____________________________________________________________________________

Talaado: November 2, 2021

 Wararka ka imaanaya magaalada Bohol ee Duleedka dhuusamareeb ayaa sheegaya in Ciidamada Ahlusunna ee jooga Deegaankaas loo qaybiyay lacago lagu sheegay mushaar.

Wararka ayaa sheegaya in askarta Ahlusunna ee jooga halkaas ay gaarayaan ilaa 300 askari, waxaana la sheegay in la siiyay midkiiba lacag gaaraysa $300 Dolar.

Sidoo kale Mushaarkaan la siiyay oo intaas la eg ayaan la ogaan karin waxay maamulka Ahlusunna ay ka damacsanyihiin iyo u jeedka laga leeyahay.

Maleeshiyaadka ahlusunna ayaa laga saaray magaalada Guriceel maalmo ka hor, oo ay dagaal kulul kula galeen Ciidamada Dowlada soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post