816 Views

Ganacsatada Jaadka Kenya oo dalbaday in xadka loo furo si ay u marsiiyaan Qaadka

Ganacsatada Jaadka Kenya oo dalbaday in xadka loo furo si ay u marsiiyaan Qaadka
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-22-2020–Xubnaha Golaha Deegaanka Caucus ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay dib u furto qaadka, islamarkaana xal waara looga gaaro ismaandhaafka baaxadda weyn ee ganacsi qaadka ee ka taagan Soomaaliya.

Golaha ayaa sidoo kale Madaxweynaha Kenya ugu baaqay in uu raadiyo Suuqyo cusub oo qaadka ah si looga maarmo Soomaaliya oo dhowr jeer joojisay in dalka la keeno qaadka ka yimaada dalka Kenya.

Ururka Ganacsatada Nyambene Miraa (Nyamita) ayaa codsaday in loo ogolaado in Xuduudka Soomaaliya iyo Kenya la furo si ay u maraan gaadiidka qaadka u sidda degaanada maamulka Jubbaland.

Gudoomiyaha Nyamita Kimathi Munjuri sheegay in haddii loo oggol yahay, ay dhoofin karaan in ka badan 20 tan oo qaadka Soomaaliya maalin walba.

Wuxuu sheegay in tani ay u noqon laheyd gacan ku haynta beeraleyda iyo ganacsatada oo lumiyey gabi ahaanba maalintii 50 tan oo hawada ah.

Maareeyaha Hay’adda Duulista rayidka Axmed Macalin ayaa sheegay in marnaba ay Soomaaliya aysan soo geli karin diyaaradaha sida qaadka,isla markaana dowladda Soomaaliya ay mamnuucday in dalka la keeno jaadka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post