843 Views

Soomaalida Sweden oo ka cabanaya in la bartilmaameedsado xawaaladaha Soomaalida

Soomaalida Sweden oo ka cabanaya in la bartilmaameedsado xawaaladaha Soomaalida
____________________________________________________________________________

Sabti: July 3.  2021

Soomaalida Sweden oo ka cabanaya in la bartilmaameedsado xawaaladaha Soomaalida

Soomaalida ku dhaqan dalka Sweden ayaa bankiyada dalkaasi ku eedeeyay in ay bartilmaameed sanayaan xawilaadaha Soomaalida oo ay ka xirayaan akoon xisaabeedka xawilaadahaasi ay ku leeyihiin baananka dalkaasi.

Jaaliyadda Soomaalida ee Sweden ayaa dhanka kale ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay arrinaasi soo farageliso maaddaama bey yiraahdeen ay arrintaasi sababi doonto in masaariifii ay waayaan qoysas badan oo Soomaaliyeed oo Sweden laga soo masaruufi jiray.

Dadyow ka soo jeeda Bariga Afrika oo Soomaalidu ay hormuud u ahayd ayaa Jimcihii ku dibadbaxay bannaanka banki ku yaal stockholm oo sida la sheegay qaar ka mid ah xawilaadaha Soomaalida ku wargeliyay in uu ka xirayo akoon xisaabeedkooda maaddaama sida uu sheegay ay ka soo bixi waayeen shuruuco adag oo uu ku xiray.

Dibadbaxyadaasi waxaa dadkii soo abaabulay ka mid ahaa Ceydaruus Aadan Xasan oo ah sharciyaqaan ku takhasusay sharciyada la xiriria lacagaha, Xasan Cali Geelle ayuu u warramay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post