582 Views

DFS oo maanta gargaar gaarsiinaysa G/Hiiraan

DFS oo maanta gargaar gaarsiinaysa G/Hiiraan
____________________________________________________________________________

Khamiis: July 14, 2022

Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaa goordhow ka safartay diyaarad sida deeq gar gaar ah oo ay la socoto Wafdi ay hoggaamineyso Sii-hayaha xilka Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye.

Wafdiga Wasiirka iyo diyaaradda sida deeqda gargaar, ayaa ku wajahan degmada Buula Burde ee gobolka Hiiraan, taas oo muddo Al-shabaab ay go’doon ugu jirtay, islamarkaana ay ku nool yihiin dad Soomaaliyeed oo ay abaartu si daran ugu dhufatay.

Sii-Hahaha xilka Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Xukuumadda Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in gargaarka ay maanta gaarsiinayaan degmada Buula-burde ay qeyb ka tahay dhammeystirka qeybinta Sahayda gargaar, si bey tiri aan u gaarsiino deegaanada ugu daran iyo qaarka go’doonka ku jiray muddo.

“Annagoo fulineeyna amarka Madaxweynaha JFS waxaan weli ku guda-jirnaa dhammeystirka qeybinta Sahayda Gargaarka si aan u-gaarsiino deegaanada ugu daran iyo qaarka go’doonka ku jiray muddo oo Abaaraha saameeyeen sida degmada #Buula-Barde ee Gobalka Hiiraan-Hirshabeelle.” Ayey ku tiri qoraal kooban ay soo saartay Khadiijo Diiriye.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post