837 Views

Faransiiska oo u digay Muwaadiniintiisa ku nool Pakistan kadib aflagadadii loogu gafayo Nabi Muxamed NNKH.

Faransiiska oo u digay Muwaadiniintiisa ku nool  Pakistan kadib aflagadadii  loogu gafayo Nabi Muxamed NNKH.
____________________________________________________________________________

April 16-4-2021

Dolwadda Faransiiska ayaa ku boorisay dhammaan muwaadiniinteeda ku sugan dalka Pakistan inay si ku meel gaar ah uga baxaan dalka iyadoo ay socdaan mudaaharaadyo rabshado wata oo looga soo horjeedo Faransiiska oo ka dhacaya guud ahaan dalkaasi.

Fariimo ay heshay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP, ayaa muujinaya in safaaradda Faransiisku ku leeyahay Pakistan ay ka digtay “khatar weyn oo ku wajahan danaha Faransiiska ee Pakistan”.Laba sarkaal oo booliis ah ayaa toddobaadkan ku dhintay isku dhacyo hor leh oo dhexmaray booliska iyo dibadbaxayaasha.

Bannaanbxyada ayaa billowday bilo ka hor ka dib markii wargays laga leeyahay Faransiiska uu daabacay sawir gacmeedyo loogu gafayo Nabi Muxamed NNKH.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa difaacay Waragayska wuxuuna sheegay inuu xaq u leeyahay daabacadda sawir gacmeedyada, taas oo ka careysiisay Muslimiin badan oo ay ka mid yihiin kuwa dalka Pakistan.

Sawirrada uu daabacay Wargayska Charlie Hebdo waxaa ka xumaaday Muslimiin badan dhowr dalna waxaa ka dhacay dibaxyo tallaabadaas looga soo horjeedo.

Dalka Pakistan dibadbaxyada ayaa sii kordhay todobaadkan kadib markii dowlada Pakistan ay xirtay Khadim Xussain Rizvi, oo ah hogaamiyaha xisbiga mayalka adag ee siyaasada ee Tehreek-e-Labaik Pakistan (TLP), kaas oo ku baaqay in la eryo safiirka faransiiska u jooga dalkaas.

Xarigga Mr Rizvi, iyo tallaabada maamulka Pakistan ay ku mamnuuceen xisbiga TLP, ayaa taageerayaasha xisbiga ku qasabtay in wadooyinka Pakistan ay isugu soo baxaan kumanaan qof oo qaadan kari wayay tallaabooyinka dowladda.Booliska ayaa rasaasta cinjirka ah u adeegsaday dibadbaxayaasha.

TLP waxay horey u soo abaabuleen dad aad u fara badan si ay uga mudaaharaadaan una muujiyana sida ay uga xunyihiin aflagaadada loo gaystay Nabigeena Muxamed NNKH. Sida uu qabo sharciga Pakistan kuwa lagu helo inay aflagaadeeyeen Nabi Muxamed NNKH waxay muteysan karaan ciqaab dil ah.

Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id Arbacadii,Wasiirka Arimaha Gudaha ee Pakistan Sheikh Rashid Axmed wuxuu sheegay in qaranku “ku taageersan yahay dadweynaha in la ilaaliyo sharafta Nabiga” laakiin tallaabada TLP “waxay Pakistan ka bixinaysaa sawir ah dal xagjir ah”.

Emailka la soo diray khamiistii, safaaradda Faransiiska ee Pakistan waxaa lagu yiri: “Khataraha halista ah ee ku wajahan danaha Faransiiska ee Pakistan darteed, muwaadiniinta Faransiiska iyo shirkadaha Faransiiska waxaa lagula talinayaa inay si ku meel gaar ah uga baxaan waddanka.

Waragayska Charlie Hebdo, ayaa horey loogu gaystay weerar dhimasho badan gaystay oo ka dhacay magaalada Paris sanadkii 2015-kii,kadib markii uu daabacay sawir gacmeedyo wax looga sheegayo Nabi Muxamed NNKH.

Xisbiga TLP ayaa si kumeelgaar ah u joojiyay mudaaharaadyadii ka socday Pakistan bishii Nofeembar, iyagoo ku andacoonaya in wasiirrada dowladda ay oggolaadeen in la qaadaco wax soo saarka Faransiiska.Raysal wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa dhaleeceeyay Mr Macron, laakiin dowlada ayaa beenisay inay aqbashay qaadacaad, iyadoo sheegtay in wax go’aan ah aan la gaarin.TLP waa garabka siyaasadeed ee dhaqdhaqaaqa Tehreek-e-Labaik Ya Rasuullu Allah.Waxaa hogaamiya Mr Rizvi.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post