429 Views

hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay Digniinti NISA

hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame  oo ka hadlay Digniinti NISA
____________________________________________________________________________

Arbaco: April 6, 2022

Musharraxa madaxtinimada ee Soomaaliya ahna hogaamiyaha xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in farriintii lagu daabacay bogga Twitter -ka ee NISA ee hay’adda ku shaacisay shirqool ay sheegtay in Al-Shabaab ay dooneyso inay ku disho Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay ahayd isku day “lagu carqaladaynayo doorashada dalka, gacantana dalka loogu gelinayo argagexisada Alshabaab.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa raysalwasaare Rooble iyo xukuumaddiisa ugu baaqay inay in ay isbedel degdeg ku sameeyaan hoggaanka hay’adaha amniga.

“Xukuumad, maamul, shacab, siyaasi iyo waxgaradba waa in meel uga soo wada jeesannaa halista uu dalka wajahayo oo xilligan adag badbaadinta dalka u wada istaagnaa, gacana iska qabanaa kuwo doonayaa in ay dumiyaan mirihii Nabada iyo dawlad dhiska dalkeena.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

OFFice Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post