855 Views

Wasiirka Magacaaban ee Maaliyadda oo kormeer sameeyay

Wasiirka Magacaaban ee Maaliyadda oo kormeer sameeyay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 22|  2020—Wasiirka magacaaban ee maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya  Mudane Cabdirahmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kormeer ku tagay Dekedda Magaalada muqdisho oo ah ISHA ugu weyn dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka iyo masuuliyiinta maamulka Dekedda ayaa iska xog wareystay sida ay shaqada u socoto iyo dar-dar galinta u adeegidda ganacsatada Soomaaliyeed.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdirahmaan Beyle ayaa sheegay in muhiimadda kormeerkiisa in uu yahay in la dar dar galiyo howlaha dowladdu u qabato ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed.

Wasiir Cabdiramaan Ducaale Beyle ayaa hadalkiisa sii raaciyay in ay dowladdu ay ka go’antahay sare u qaadidda dakhliga dalka, iyada oo loo adeegayo Ummadda Soomaaliyeed har iyo habeen.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post