477 Views

Putin “ Jawaab aan soo daahin ayaan siin doonaa cidiid iskudayda inay na hor istaagto Howlgalkeena

Putin “  Jawaab aan soo  daahin ayaan siin doonaa cidiid iskudayda inay na hor istaagto Howlgalkeena
____________________________________________________________________________


khamiis: February 24, 2022

Mar sii horreysay, madaxweynaha dalka Ruushka, Vladimir Putin oo ciidammadiisa ay weerareen Ukriane ayaa reer galbeedka u diray diginin adag.

Isagoo si toos ah uga hadlayay talefishinka dalkiisa, ayaa waxa uu sheegay in jawaabta uu dalkiisa ay noqon doonto mid deg deg ah haddii la isku daya in la horistaaga howlgalka uu dalkiisa uu ka billaabay Ukraine.

Waxaa loo qaatay inay fariintaasi ku socotay dalalka reer galbeedka o ilaa iyo hadda Moscow ku soo rogay cunaqabateyno adag, kuwa kalana ballan qaaday.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay inuu kulan la yeelan doono hogaamiyayaasha G7 maanta o Khamiis ah, isagoo ku hanjabay in cunaqabateyn adag la dul dhigi doono Ruushka.

Ra’iisal wasaaraha UK, Boris Johnson ayaa isugu yeeray golihiisa wasiirada kulan deg deg ah si ay uga arrinsadaan jawaabta ay UK ka bixin lahayd arrintan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post