1614 Views

SAWIRO: Madaxweyne Dani oo kormeer ka sameeyay Carmo

SAWIRO: Madaxweyne Dani oo kormeer ka sameeyay Carmo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  30, 2019 –Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta gelinkii hore kormeeray cisbitaalka weyn ee degmada Carmo, Akademiyadda Soomaaliyeed ee Carmo iyo Xarunta Wasaaradda Caafimaadka degmada.

Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinaayey masuuliyiinta degmadda Carmo, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa ka bilaabay cisbitaalka weyn ee degmada carmo halkaasi oo ay goobjoog ahaayeeen masuuliyiinta iyo shaqaalaha cisbitaalka, waxaana uu Madaxweynuhu kormeeray dhammaan qaybaha uu ka kooban yahay cisbitaalku, gaar ahaan qaybta ugu muhiimsan ee lafaha, taasi oo dhammaan shacabka Soomaaliyeed kaafisay.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kormeeray xarunta Wasaaradda Caafimaadka degmada Carmo ee gobolka Bari, waxaana uu Madaxweynuhu ka xogwaraystay masuuliyiinta ka hawlgala xarunta Wasaaradda shaqooyinka muhiim ka ah ee ay bulshada u hayaan. Madaxweynaha ayaa cadeeyey in si dhaw loola-socondoono baahiyahooda inta ka dhiman xarunta.

Ugu dambayn, Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa gaaray Akademiyadda Ciidanka Soomaaliyeed ee Carmo, halkaasi oo uu Madaxweynuhu salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment