3648 Views

Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo laalay 11 kursi doorashadooda oo dib loogu tartamayo

Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo laalay 11 kursi doorashadooda oo dib loogu tartamayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | December 14, 2016 – Guddiga Madaxa Bannaan ee Xalinta Khilaafaadka Heer Federaal, ayaa laalay 11 ka mid ah kuraasta lagu soo kala doortay Magaalooyinka Garoowe, Cadaado, Jowhar, Kismaayo iyo Baydhabo.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka, ayaa Maamulka Koonfur Galbeed ku celiyay in dib loogu soo tartamo shan kursi, oo hannaanka lagu soo doortay ku sheegay mid waxba kama jiraan ah.

Guddiga, ayaa Maamulada Hirshabelle iyo Puntland dib ugu celiyay min laba kursi, halka Jubbaland iyo Galmudug iyana lagu celiyay min hal kursi.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka, ayaa War Saxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen in la soo gaarsiiyay 67 dacwadood, oo waafaqsan habraaca u degsan soo gudbinta dacwooyinka, iyagoona go’aamiyay in dib loogu noqdo 11 kursi oo keliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Talaadadii sheegay in Guddiga Xalinta Khilaafaadka looga fadhiyo in ay xal ka gaaraan kuraasta uu murunka hareereeyay.

HOOS KA AKHRI, Xildhibaanada dib loo celiyay:

1 – Abdullahi Mohamed Adan

2 – Ahmed Mohamed Abtidoon

3 – Abdi Mohamud Mohamed

4 – Sharmaarke Garaad Saleemaan Buraale

5 – Mohamed Abdullahi Hassan (Wasiir Nuux)

6 – Abdiaziz Saleh Arman

7 – Sheikh Shaacir Sheekh Mohamed

8 – Samra Ibrahim Omar

9 – Muna Khaliif Sheekh Abu (Muna Kay)

10 – Mohamed Said Abdullahi

11 – Nadifa Adan Isaq

 guddiga-xalinta-khilaafaadkaguddiga-xalinta-khilaafaadka1

.

.

___________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment