831 Views

Ra’iisul Wasaarahaha Faransiiska oo laga helay xanuunka Covid 19.

Ra’iisul Wasaarahaha Faransiiska oo laga helay xanuunka Covid 19.
____________________________________________________________________________

Talaado: November 23, 2021

Faransiiska ayaa ku dhawaaqay in Ra’iisul wasaare Jean Castix, uu ku dhacay fayraska Corona, sidaas darteena uu gali doono xaalad karantiil ah tobanka maalmood ee soo socda.

Ra’iisul Wasaare Jean Castix,  oo  hadda 56 sano jir ah ayaa la caddeeyay inuu haleelay Xanuunka Corona Virus, isaga oo horay u qaatay tallaalka ka hortagga xanuunkan.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayuu ku dhacay  xanuunka Covid-19 bishii Diseembar 2020, sidokale tiro kamid ah  wasiirrada Faransiiska ayaa laga helay fayraskan, kuwaa oo ay kamid ahayeen Wasiirka Maaliyadda Bruno Le Maire iyo Wasiirka Dhaqanka Roslyn Bachelot.

Inta badan waddamada reer Yurub ayaa la daalaa dhacayo sidii ay ugu hortagi lahayeen fitaanka mowjadaha cusub ee Covid 19, iyadoo horay inta dabadan dalalka Yurub loogu soo rogay xannibaado dhanka caafimaadka ah si loo xakameeyo xanuunkan.

Wasiirka caafimaadka dalka Jarmalka Jens Young, ayaa shir Jaraa’id uu shalay qabtay ka digay halista xanuunkan oo dib u soo laba kacleeyay, isaga oo sidokale sheegay  in dadka dalkiisa ee aan qaadan Tallaalka ka hortaga Corona Virus la tallaali doono.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post